top of page
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in abaaruhu ay saameeyeen illaa 275 tuulo oo maamulka Puntland hoos yimaada

Magaalada Bosaaso waxaa maanta gaaray, Madaxweyne Ku Xigenka Puntland Cabdixakin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey.
Markii uu Boosaaso tagayay ayuu qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay, ujeedada safarkiisa, siyaasadda iyo abaaro fara ba’an ku haya deegaano ku yaala Puntland.
Camey waxa uu sheegay in xaaladda abaareed ee deegaanada Puntland ay kasii dareyso.
Waxa uu sheegay in abaaruhu ay saameeyeen illaa 275 tuulo oo maamulka Puntland hoos yimaada.
Wariyeheenna Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan nooga soo dirtay Boosaaso.
bottom of page