top of page

Beelaha Banaadiriga “Nin dhulkaaga heysto dhashiikana wato, hortaadana dhirfaayo see loola dhaqmaa?"

 

Waxgaradka beelaha Banaadiriga ayaa shalay qabtay shir jaraa'id oo ay kaga hadlaayeen xuquuqo ka maqan oo ay dacwadooda u gudbinaayeen dhammaan dalalka caalamka iyagoo ka codsaday beesha caalamka in ay baarto waxa ay sheegayaan waxna ka qabato xuquuqaha ka maqan beelaha Banaadiriga

 

Afhayeenka beelaha banaadiriga ayaa ugu horeyn ka hadlay shirkaas oo ka dhacay hotel Maleyka ee magaalada Muqdisho isagoo yiri "Beel la dulmiyay ayaan nahay oo aan helin xuquuqdii ay laheyd waxaana beesha caalamka ugu baaqeynaa inay waxa aan sheegeyno baarto wixii xaq ahna ka soo saarto”

 

Dhinaca kale Ambasador Muriidi C/dir Golf oo ka mid ah siyaasiyiinta beelaha banaadiriga ayaa sheegay in muddo dheer dhibaato lagu haayo dadka Banaadiriga oo ah kuwa nabadda jecel ayna u dul qaadan doonin in xuquuqdooda la dhaco mar kale.

 

C/dir Xuseen Ugaaska oo u hadlay beesha Gendershe ayaa sheegay in xaqa beelaha Banaadiriga lawada doono oo abaabul loo galo si isku duubni ahna looga shaqeeyo ka bixitaanka dhibaatada nagu raagtay ayuu yiri.

 

"In aan dulmi ku sii jirno ma ahan waa in aan la mid noqonaa beelaha kale waayo soomaali baan nahay waxaana wada degganahay dhammaan gobolada dalka oo dhan waxaana nahay dad aqoon iyo hanti leh oo wax soo saar leh ma aha in aan weyno xuquuqdeena"ayuu yiri C/hi Nuuroow oo beesha Jasiira u hadlayay.

 

Gudoomiyaha aqoonyahanada beelaha Banaadiriga Cali Cumar Abati ayaa sheegay in aysan helin, waxbarasho, caafimaad, iyo awood qeybsiga talada dalka, cadaalad iyo siyaasada waxaana dhibka inoo keenay in beelaha banaadiriga siyaasada xuquuqda ay ku lahaayeen la duudsiiyey oo ay rag hubeysan la siiyo qeybta aan laheyn iyadoo la dhahaayo xaq ma ahee waa xal sidaasna nalagu duudsiiyo xuquuqdeyna, waxaana leenahay xal ma jiree xaqbaa jiro.

 

Waxaa soo gunaanaday Shirkaasi guddoomiyaha beelaha banaadiriga Cumar Shariif jeeg “Dhammaan marti sharafta ka soo qeyb gashay shirkaan waan idin salaamayaa anigoo ku faraxsan in aan ka tashano aayaheena waxa horteena ka muuqdo waa sawirada dowladii waaweynaa ee adduunka ee danaha Soomaaliya siyaasadeed gacanta ku haayey, waxaan horey u sameynay dibad baxayaal badan waana la arki waayey, anaga sabarkii wuu inaga dhammaaday hadda waxaan rabnaa inaan caalamka u soo gudbino dhibaatada aan qabno”

 

Cumar Shariif jeeg ayaa Dhinaca kale intaa raaciyay “Waxaan idin tusinayaa wax cad ka soo biloow dowladii C/qaasim ilaa iyo dowladii shariif annaga xor uma nihin baarlamaankeena sababtoo ah odayaasheena baqdin bay ku jiraan iyo laaluush wax la yiraahdo, waxaa na xukumo beelaha Soomaaliyeed ee hubeysan mid ka mid ah ah waxeyna xildhibaanimada u dhiibteen ilmihii ay abtiga u ahaayeen.

 

“War Alle halaga baqo, sidaan wax uma soconaayaane xildhibaanada baarlamaanka inoogu jiro waxey noo qabteen ma jiro oo aan ka aheyn Caamir Shakeeti, maanta ka dib waxaan nahay dad xuquuqdooda doonaaya, waxaana diyaar u nahay in aan u dhimano, idinba waad dagaasheen waana soo dhacsateen anaga hadda waan baahan nahay waana raadsaneynaa xaqeena mana gabba doono” ayuu yiri Cumar Shariif Jeeg.

 

Dadka kulankaas ka qeyb galay ayaa ku gabyeyey ereyo ay ka mid yihiin

 

“Nin dhulkaaga heysto dhashiikana wato, hortaadana dhirfaayo see loola dhaqmaa?

bottom of page