DEGMADA XAMARWEYNE HOOYADII DEGMOOYIN KA

Xamar Weyne waa degmo ku taallo magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir, waxayna leedahay tariikh weyn. Degmada Xamar Weyne waxeey ku agtaallaa badda Hindiya oo waxaa laga helaa Malaayga ugu fiican Soomaaliya isagoo noocyo badan sii kala leh sida Yuumbi, Jeedar, Tartaba iyo kuwo la mid ah. Xamar Weyne waa degmo xusuus badan leh oonan la iloobi karin sababtoo ah waxaa lagu yaqaan quruxda iyo saraha dhaadheer ee ka dhisan ku waasoo dadka eey ka fiirsadaan xeebta. Meela badan oo muhiim ahna weey ku yaalaan sida xarunta gobolka banaadir bacadlihi ugu weyna e dalka kawaanka ugu weyn e kaluunka somalia masaajidka Marwaas, Isnaa Casheri kaasoo ahaa masaajidkii ugu horeeyay ee laga furay dalka. Arbaca Rukun waa masaajid taariikh weyn lah.
Dadka dagan Xamar Weyne waa Banaadiriga iyo Gibilcadka. Dadkaan waxeey badanaa u badanyihiin Ganacsadayaal, Jilayaal,Injineer, Qaalli iyo Macallimiin iyo wax la mid ah. Xamar Weyne dadka dagan waa dadka lafdharka ilbaxnimada lagu yaqaan. Badanaa jilayaasha waxaa lagu yaqaan fasiraada filimaanta sida Hindiga, Mareeykanka iyo Turkiga waxeeyna soo saaraan filimaan aad iyo aad cajiib iyo shactaro u ah laakiin ku saabsan waxa aay dhalinyarada Soomaaliyeed maraan. Istuudiyo yaal badan ayaa ka furan sida Saafi Films iyo Waaberi. Sidoo kale, ganacsiga aad ayaa looga taageraa oo waxa lagu yaqaan Carwooyinka waaween iyo Foornada macmacaan ka sameeya Ciidaha iyo aroosyada
Xamar Weyne waxay aheed meel kamid ah meelaha dadka ugu xadaarisani degan yihiin Muqdisho waxaana intaa sii dheeraa dhismayaasha quruxda badan ee ku yaalay oo welina ku yaalo meeshaas sida Guryaha Dawladdaha kala duwanaa ee Soomaaliya soo mara sida xaruntii Baarlamaanka, Bangigii Dhexe, Maxkamadii Sare, Holki Tiyaatarka iyo afiisyo kaloo badan oo aanan halkaan lagu soo koobi karin