top of page

guddoomiye ku-xigeen golaha isbadal doonka beelaha Banaadiriga, Cumar Shariif Jeeg

XAMARCADEY NEWSCiidamada dowladda Soomaaliya ayaa gurgiisa kala baxay  guddoomiye ku-xigeen golaha isbadal doonka beelaha Banaadiriga, Cumar Shariif Jeeg  sida waxaa u sheegay Xamarcadey News mas’uuliyin ka tirsan golaha uu ka tirsan-yahay.

Tallaabadan waxaa cambaareyay golaha isbadal doonka beelaha Banaadiriga oo ku tilmaamay inay tahay mid lugu dhaawacayo shaqsiyadda Cumar Shariif Jeego oo inta badan u dooda xaquuqda ay leeyihiin dadka Banaadiriga ee Soomaaliyeed.

 

“Waa wax laga xumaado in ciidamada dowladda ay gurigiisa kala baxaan Cumar Jeeg,saacadana si sharci darro ah ay uga hayaan,taasna waan cambareynayna,” ayu yiri mas’uul ka tirsan golaha isbadal doonka beelaha Banaadiriga.

Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin waxyaabaha dhaliyay in Cumar Shariif Jeego ay ciidamadu xiran, iyadoon wax sabab ah la soo gudbin.

 

Waxa ugu weyn ee xarigan loo sababeynayo,waxaa ay tahay khudbad uu ka jeediyay Cumar Jeeg banaan bax nabadeed oo ay dhigeen dadka Banaadiriga ee Muqdisho ku nool,kuwaaso ka cabanayay inaysan dowladda ka helin wax xaquuqdooda ah,waxaana uu isku soo baxa quseeyay shirka Turkiga oo ay qaadaceen dadka Banaadiriga oo sheegay inaysan wax xubnaha shirka ku lahayn.

 

Cumar Jeeg waxaa khudbadiisa ka mid ahayd,dowladda inaysan u cadaalad falin,xubnaha dowladdana ee matalaya dadka Banaadirigana  inay yihiin kuwa an lagala tashan oo dadka waxba u qaban.

 

“Waxaan ka cabaneyna,sida ay dowladda noo gacan dhafeyso,ma jiro cid matalaysa dadka Banaadiriga ah oo ka qayb-galaya shirka Turkiga,waxaana horay u jirtay wasiirro iyo shaqsiyad an matalin dadkan oo ay dowladda xil u dhiibatay,”ayuu ka sheegay Cumar Jeeg hadalka uu ka jeediyay banaan baxa oo shalay Muqdisho ka dhacay.

 

Golaha isbadal doonka beelaha Banaadiriga,waxaa kalo ay dowladda u sheegen in looga bahan-yahay sidii ay cadaalad ugu shaqeyn lahayd oo ay xaquuqdooda uga heli lahayeen dadka Banaadiriga,waxaa kalo ay u soo jeediyeen dowladda inay jawaab ka bixiso xariga guddoomiye ku-xigeenka isbaheyga Banaadiriga.

Ugu dambeyn, Cumar Jeeg oo si sharci darro ah loo xiray,waxaa lugu sheega inuu yaha mar walba qof raadiya xaquuqda dadka Banaadiriga ee an muuqan,isagoo inta badan cod dheer ku sheega  dadka matalayay Banaadiriga in lagala tasho wax-garadka iyo odayaasha.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

bottom of page