Heshiiski Fedaraalka Iyo Puntland Oo Qalinka Lagu Duugay

Heshiiska Garoowe, kaas oo wada hadalkiisu socdey muddo todobaad ah, isla markaana mar maanta dib uga dhacay xiligii loogu tala galay in la saxiixo sabobo aan la xusin awgeed.
Heshiiska waxaa si rasmi ah u saxiixay:
- Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke
- Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas
- Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya
- Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya
- Wakiilka IGAD ee Soomaaliya
- Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya
- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya
Heshiiskan ayaa ka kooban qodobo badan waxaana ugu muhimsan:
- In nidaamka doorasho ee 2016 la isla qaatey in uu noqdo 4.5.
- In aan doorashada 2020 sinaba loogu geli karin 4.5
- In doorashada Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka halka ay ka dhacayso ay go’aankeeda gaaraan Madasha Qaran ee 7 Hoggaamiye ka kooban
- Xildhibaanada Puntland uga mid noqonaya Aqalka Hoose waxaa doorashadoodu ka dhacaysaa Garoowe
- Xildhibaanada Aqalka sare waxaa soo xulaya Puntland, waxaana soo bandhigaya Aqalka Hoose, kuwaas oo ah sidii horey loogu heshiiyey.
- In la sameeyo Road Map cad ee lagu gaarayo 2020, in ay dalka ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod - Beesha caalamku waxay damaanad qaadeysaa xaqjiijinta in aan mar danbe dalka lagu celin nidaamka 4.5.
- Iyo Qodobo kale ka mida guddiyada iyo meel marinta dastuurka la isku ogaa.