top of page

Madaxweyne Bashiir 'xilka waxaan ka degayaa 2020'

Madaxweynaha waddanka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir - kaasi oo ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ay ku eedaysay inuu galay xasuuq, dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha - ayaa sheegay inuu xilka isaga degi doono 2020 markaa uu xilka haatan uu uga eg yahay.

Wareysi gaar ah oo uu BBCda siiyay, ayuu Mr Bashiir ku diiday eedaha ah in ciidammada Suudaan ay tacaddiyo ku gaysteen colaadda sanadkan ka soo cusboonaatay Daanfuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aanay jirin sabab nabad ilaaliyayaasha iyo howlwadeenada gargaarka ay ku joogaa gobolka ay dhibaatada ka jirto.

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in in ka badan 2.5 milyan oo qof ay tan iyo 2003-dii ku barakaceen Daarfuur; in ka badan 100 kun oo qofna ay sanadkan oo kaliya ku barakaceen.

bottom of page