top of page

MADAXWEYNAHA JAMUURIYADA SOOMAALIYA MUDANE XASAN SHEEKH MAXAMUUD

Xasan Sheekh Maxamuud (Carabi: حسن شيخ محمود‎) (dhashay 29 Novembar 1955) waa Madaxweyneha JamhuuriyaddaFederaalka Soomaaliya, ee la doortay 10kii sebtembar 2012, Xasan wuxuu ka yimid bulshada rayadka ah sidoo kale wuxuu ahaa macalin jaamacadeed

waxaa uu kaloo aas-aasay Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP) xasan sheekh waxaa lagu daray Abriil 2013 100 qof ee aduunka ugu saamaynta badan.


Mudane Xasan Sheekh wuxuu ku dhashay Magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sanadkii 1955. waxa uu ka bilaabay waxbarashada Quraanka iyo mida hoose. Waxbarashada sare wuxuu u soo aaday Magaalada Muqdisho isagoo ka dibna ku biiray Jaamacadii Ummada Soomaaliyeed ‘SNU’ sanadkii 1978. Wuxuuna ka qalinjabiyey sanadkii1981. Sanadkii 1981 ayuu Xasan Sheekh ka qalinjabiyey Jaamacada Phobal University ee dalka Hindiya, wuxuuna ka qaatay shahaadada Master Degree. Sanadkii 1993 ayuu dalka dib ugu soo laabtay wuxuuna shaqo ka helay hay’ada UNICEF isagoo noqday sarkaalka dhanka waxbarashada ee u qaabilsan hay’adda dhanka waxbarashada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Sanadkii 1999 wuxuu aas aasay machadka SIMAD oo hadda isu bedelay Jaamacad kuna yaalla magaalada Muqdisho. Sanadkii 2011 ayaa Xasan uu Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay xisbi uu u bixiyey Nabada iyo Horumarka [PDP] kaasoo uu isaga gudoomiye ka noqday. Illaa haddana waxaa uu hogaamiyaa xisbigaasi. Xasan Sheekh wuxuu ku hadlaa luuqadaha Soomaali iyo English. Sida dadka yaqaana ay sheegayaan Xasan waxaa uu aad ugu dhow yahay ururka Al Islaax, waana nin aad u dhexgala qeybaha kala duwan ee bulshada oo dabcan haddana sabab u noqotay inuu ku guuleysto madaxtinimada dalka.

xasan sh maxamuud markii la doranayay wx uu u eka ni wax dadka somaliyeed u tari kara balse wax uu meesha ku hayo ma jiro inta uu dalka ka arriminayay a ilaa iyo hada ma jiraan guula waaweyn oo uu ka gaaray dhan maamulka iyo 6dii tiir ee uu balan qaaday waqtigii uu ku jiray ololaha doorashooyinka

xasan ma n in u daacad ah dadkiisa dantiisa iyo dalkiisa.

 

bottom of page